Sunday, May 26, 2024

Weerar Duqeyn ah oo lagu qaaday Xarunta Alshabaab ee Bu’aale iyo Dad lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Bu’aale ee xarunta Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah lagu qaaday xarumo ka mida magaaladaasi.

Ilaa afar Gantaal ayaa lagu duqeeyay ilaa laba Goobood oo magaalada ku yaalla,waxaana ka mida Dugsi la sheegay in hore loo duqeeeyay, waxaana la sheegay inay ku dhinteen wiil sanad jir ah iyo Hooyadiis.

Alshabaab ayaa shaacisay muuqaallada dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay Duqeynta ka dhacday magaalada Bu’aale, waxaana ka muuqday meydka wiilka yar, hooyadiis iyo burburka goobaha la wareeray.

Ad

Weerarka ayaa lagu eedeeyay inay geysteen Diyaaradaha Maraykanka, balse Alshabaab ma sheegin cid ka mida horjoogayaasha iyo maleeshiyada oo inta badan aysan Alshabaab shaacin waxyeellada soo gaarta.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka AFRICOM oo shalay saraakiisha hoggaamisa ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON