Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka dagaal culus oo qarxayo ku bilowday ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee degaanka Jannaay Cabdalla ee duleedka Kismaayo, dhinaca Afmadow.
Dagaalka oo ayaa mid Alshabaab dhowr jiho kasoo qaadeen ayaa ka dhacay saldhiga ciidamada ee Jannaay Cabdalla, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in qaraxyo waaweyn iyo rasaas culus ay muddo saacad ka badan ka socotay degaanka Jannaay Cabdalla.
Alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay inay qabsadeen saldhigga Janaay-Cabdalla ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya halkaasi ku leeyihiin, ayna qasaare badan gaarsiiyey, kuna qbsadeen gaadiid badan.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aden ayaa sheegay in dagaalka ay dhinacooda ku dhinteen 5 askari 10 kalena ay ku dhaawacmeen, balse qasaare weyn ay gaarsiiyen Alshabaab.
Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab, waxaana degaanka Janaayo maalmo ka hor booqday wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka.