Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay weerar Bam lagu qaaday Guri ku yaalla Xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid, kaasoo dhaliyey qasaare.
Weerarka oo loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu qaaday Guri la sheegay inuu ahaa meel ay ku kulmaan dhalinyaro isugu jira Rag iyo Dumar oo dhalinyaro badan isugu tagaan. Qaraxa Bamka ayaa waxaa ku dhaawacay 11 qof oo ka mida dhalinyarrada gurigaasi ku sugneyd xilliga weerarka dhacay, waxaana dhaawac culus soo gaaray laba ka mida dadka dhaawacmay, iyadoo isbitallada loola cararray dhaawacyada.
Muddo kadib ayaa waxaa Guriga la weerraray tegay ciidamada dowladda oo baaritaan ka sameeyay, laakiin waxaa baxsaday dadkii weerarka ka danbeeyay.