Monday, February 10, 2025

Weerar Bam oo Caawa lagu qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Muqdisho & Askar lagu dhaawacay..

Weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed aya caawa lagu qaaday xerada Janeral Gordon ee degmada Hodan ee Gobalka Banaadir, iyadoo rasaas ay halkaasi ka dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in xerada Jeneraal Gordon oo ay degan yihiin Ciidamada Milateriga Soomaaliya uu weerarkaasi dhaawac ka soo gaaray ilaa 2 askari oo firirka Bambada ay gaartay, waxaana baxsaday raggii weerarka geystay ee Bambada ku tuuray saldhigga.

Ammaanka xerada ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamada fara badan ay bannaanka u soo baxeen, weerarka kadib, wuxuuna weerarkan noqonayaa kii labaad ee maanta lagu qaado ciidamada milateriga, kadib qarax miino oo haleelay gaari ay la socdeen ciidamo milateri ah duleedka Muqdisho, kaasoo dhaawac kasoo gaaray saddex askari.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON