Waxaa caawa magaalada Muqdisho la dilay haweeney ka mid ahayd golaha wasiirada maamulka Goboleedka Galmudug.
Marxuumad Farxiyo Cabdi Waasuge oo ahayd Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Galmudug ayaa lagu dilay Muqdisho, waxaana koox dabley ah ay ku weerarreen waaxda Horseed ee degmada Wardhiigley.
Farxiyo oo ka mid aheyd dadka degan degmada Wardhiigley, iyadoo xil wasiiru dowle ka qabtay Maamulka Galmudug oo muddo kooban ay shaqo u tegtay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dilkeedu la xiriiro arrintaasi.
Haweeneydan ayaa waxa ay ka mid ahayd Golihii Wasiirada ee 5-tii bishii December uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumadda, isagoo dilkeeda ku eedeeyay kooxaha argagixisada.
Alshabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen dilka Farxiyo Cabdi Waasuge, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Galmudug.