Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arag, kadib markii shaqadii ka joojiyey wasiiru dowle ka tirsan maamulkiisa iyo Guddoomiye maxkamad oo la sheegay inay jebiyeen amarkii laga soo saaray faafitaanka cudurka Coronavirus.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaqadii looga joojiyay  Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh/Dhexe Cali Cabdulle Nuur.
Labada mas’uul ayaa lagu eedeeyay inay jebiyeen Aamar kasoo baxay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku saabsanaa isu-imaatinka dadka, ayna si sharci darro ah u fureen goob ay dadka isugu yimaadaan.
Waa mas’uuliyiintii ugu horeeyay ee xilalka looga joojiyo sababo la xiriira Coronavirus.
