Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Cumar (Balcad) ayaa loo magacaabay xil cusub, sida lagu shaaciyay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cali Balcad u magacaabay inuu noqdo u qeybsanaha Arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika oo ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay.
Magacaabidan oo soo baxday 25-kii bishan June, 2024 ayaa sabab looga dhigay baahida loo qabo magacaabidda u qeybsanaha arrimaha la xiriira Bulshada Bariga Afrika.