Xubno ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsanaa dowladda Federaalka ayaa qeylo-dhaan kasoo saaray Doorashdaa Golaha Shacabka ee la filayo inay ka dhacayaan magaalada Boosaaso.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Boosaaso ayey ku caddeeyeen in khaladaad badan ka jiraan, ayna su’aalo badan ka taagan yihiin waxa socda, isla markaana aysan raali ka hayn, taasina ay saameyn ku yeelan karto amniga.
Xubnahan oo u badan wasiiro heer federaal ayaa sheegay in mad-madow badan uu ku jiro qaabka la doonayo in lagu qabto doorashadaasi isla markaana la baalmaray habkii saxda ahaa ee ay ahayd in loo maro.
Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in gacanta lagula jiro Doorashada, isla markaana aysan beelihii kurasta lahaa aysan u madax bannaaneyn kuraasta.
“Waxaan ka baqeynaa inay amniga sameyn ku yeelan doonto, Sida wax ku socdaan raali kama nihin, waxaana jira mugdi iyo gacma-gacmeyn” ayuu jiri Wasiir Jamaal oo ka mida xunbaha qeylo-dhaanta soo saaray.
Xubnahan oo intooda badan saaxiibo la ah Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa waxaa ka mida wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo xubno kale.
