Wasiiro & la-taliyeyaashooda oo Madal Dadweyne u qabtay Heshiisyo aanu ansixin Baarlamaanka Somalia

0

Wasaaradaha Dastuurka iyo Batroolka xukuumadda Soomaalia ayaaa magaalada Muqdisho ku qabatay maanta Madal la sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga jawaabo su’aalaha ku saabsan Heshiisyadii Kheyraadka (Batroolka) iyo Doorashooyinka ee madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaa;ka ku gaareen magaalada Baydhabo.

Heshiisyadan oo aan weli geynin Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka wakiil ah shacabka, isla markaana aan la marin dariiqii sharciga ahaa ayay xukuumadda Soomaaliya ku dhaqaaqday inay hirgeliso iyadoo dhowaan shirkado Shiinees ah la saxiixatay heshiis Kaluumeysio, halka wasiirada iyo la-taliyeyashooda ay sharaxaad ka bixinayaan.

Wasiir Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Wasaaradda Batroolka oo ay wehliyeen Cabdirashiid Maxamed Axmed  iyo a-taliyeyaasha kala ah:  Sahra Cali Xasan, Dr. Xasan Xaaji Ibraahim,  Avv Cumar Dhagey iyo Maxamed Cabdirisaq ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay Muqdisho oo dad aan ka badneyn 40 qof la isugu keenay oo isugu jira odayaal iyo xubno taageera dowladda Soomaaliya., laguna tilmaamayinay ka yimaadeen  bulshada qeybaheeda kala duwan.

Baarlamaanka Soomaaliya oo bil fasax ah hore ugu soo qaatay ramadankii ayaa laba bilood oo kale fasax loo diray iyadoo uu dib isugu soo laaban doono bisha September bartamaheeda.