Monday, February 17, 2025

Wasiiro kasoo jeeda K/Galbeed oo si kulul isugu jawaabay baraha Bulshada, Kiiska Mukhtar Roobow dartiis

Wasiiro ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka hor yimid in la baaro xaaladda Mukhtaar Roobow Cali oo hay’adda NISA u xiran muddo saddex sano ah.

Kadib qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga xukuumadda ay ka tirsan yihiin oo looga dalbaday Hay’adda NISA inay warbixin ka keneto muddo 48 saacadood ah xaaladda uu ku xiran yahay Sheekh Mukhtaar Roobow, waxaa arrintaasi si caro leh uga hor yimid laba wasiir, iyadoo xaaladda u bedelay dagaal lagu soo qaaday Koonfur Galbeed.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xasan Cabdinuur Cabdi iyo iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Aadan Cabdinaasir oo ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed, gacan saarna la leh madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis lafta-gareen ayaa go’aanka Wasiirka Amniga ku tilmaamay inay meel ka dhac ku ah maamulka iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Ad

“Waan kasoo gudubney xiligii shaqsi, koox iyo qowleysato gaar ah cabsi gelin jireen Koonfur Galbeed. Waa la is-baran” ayuu ku yiri qoraal yaab leh ku yiri Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya Xasan C/Nuur.

Sidoo kale Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Aadan C/naasir ayaa soo qoray: “25 sano ka hor shaqadii aan duurka u galnay, qofka ku fekeraya inaan ka aqbalo maanta oo aan talo iyo taagba haysto, waxaan filayaa in uu waalan yahay. Talada tii maaha, dadkuna kuwii maaha”.

Dhinaca kale Waxaa jawaab culus labada wasiir siiyey Wasiirka haweenka oo weerar ku qaaday fekerka ay la yimaadeen labada wasiir.

- Advertisement -

Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa qoraal jawaab ah ku tiri: ” Waxaan kaloo arkaayey siyaasiin aad u saamaysay waraaqdii wasiirka Amniga oo ku hadaaqayo maamul ayaa Koonfur Galbeed ka jiro. Haddii uu kajiro maxaa ku diidaysa cadaalad u ehelida muwaadin xiran. Halkee iska soo gashaa muwaadin lasoo deynaayo iyo qaska aad sheegaysaan. Kalsooni darado weyn ayaa idin haysato inaad shacab iyo shaqo meesha ku haynin baad ogtihiin mana sii soconayso. Insha Allah. Dulmanaha maanta waa daadihiyaha berito Ha duulduulin derbiga qabso”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON