Wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo taageersan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si kulul u dhaliilyay warkii kasoo yeeray Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ee uu uga hor yimid dhammeystirka Dastuurka.
Farmaajo ayaa ka digay in dowladda Soomaaliya ay burbureyso, qof kastana degaankii uu ka yimid ku laaban doono haddii aan la joojin Dastuur bedelka la wado, taasoo dood adag ka dhalisay Baraha bulshada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaabtii ugu horeysay u diray Farmajo, isagoo xusuusiyey wareegto uu sanadkii 2020 soo saaray oo uu ku hakiyey dhammeystirka Dastuurka, isagoo dib ugu dhigay Baarlamaanka soo socda oo ah kan 11-aad.
“Mudane Xildhibaan Farmaajo sida aad u hadashay waa ka duwan tahay sida aad u dhaqantey markii aad xilka joogtey iyo sida aad qortay intaba! Dadkuna kuwii guulwadayaasha kuu ahaa ma ahan! Fursad bixi shaqadiii aad qaban weyday lagu dhammaystir!” ayuu qoraalkiisa jawaabta ah ku yiri Wasiir Fiqi.
Wasiiru dowlaha Bii’ada iyo isbedela Cimilada Aden Aw-Xersi oo Farmaajo isku degaan ka soo jeedaan ayaa ka hor yimid hadalka Farmaajo, isagoo farriinta uu u diray ku yiri: “Maya! Mudane Madaxweynihii hore. Ma jiro qof dib ugu noqonaya tuuladii uu ku dhashay si uu xoolahiisa u dhaqdo. Waxaad dib ugu laabanaysaa wadankaagii magangalyada ka heshay (US). Maaskarada waddaniyadda ayaa kaa maqan. Waxay qaadaneysaa waqti dheer14 sano”.
La-taliyaha Madaxweynaha Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa weydiiyay inuu Farmaajo ‘Maanta miyaa saxan tahay mise shaley?’, wuxuuna intaas ku daray: -Hadda- Miyaad leedahay ‘NIN WALBA TUULADIISA HA KU NOQDO?’. Ma waxaad dooneysaa in markale uu Madaxweyne Xasan uu Xeer Madaxweyne dib ugu dhigo dhameystirka Dastuurka sidii aad kol hore sameysay?.
Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka mida taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna si kulul u weerarray Farmaajo, wuxuuna qoraal uu soo qoray ku yiri:
“Waxaan maqli jiray “Nin adduunyo joogoow, maxaa aragti kuu laaban” Xildhibaan Maxamed Farmaajo oo xilliguu Madaxweynaha ahaa: 1) Guddoomiye Baarlamaan go’doon ka dhigay, kana jartay biyaha iyo korontada 2 goor, 2) Cuno-qabateyn diyaaradaha saaray Jubaland, 3) Ra’isul Wasaarahiisi koowaad u diiday inuu baarlamaanka hor yimaado ama xil wareejin sameeyo, 4) Ra’iisul Wasaarahi kalena weeraray 5) Laba Madaxweynayaal hore weerar xabad ah ku qaaday ayaa nagala hadlaya Habraac Dastuur iyo Beesha Caalamka inay ina soo kala dhex gasho. Xildhibaanow dalku waa nabad ee Golaha shacabka inaad timaaddo oo aragtidaada iyo codkaaga dhibato ayaa FacebookLive kuu dhaami laheyd”.
Dhinaca kale dood culus ayaa ka dhalatay hadalkii Farmaajo ee ahaa in ‘Qof kasta uu Tuuladiisa ku laaban doono’ taaso dad badan ku fasireen in loo noqonayo 1991 iyo dagaaladii sokeeye.