Monday, February 17, 2025

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo xilkii laga qaaday & Wasiiro cusub [Magacyada]

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa xilkii ka qaaday laba ka mida Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo uu aqbalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirada xilka laga qaaday ayaa kala ah:

  1. Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  2. iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xeer ku soo saaray  aqbalaadda xil ka qaadis uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.

Ad

Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale magacaabay wasiiradii bedeli lahaa kuwa la ceyriyay xilligan kala guurka ah oo kla ah:

  1. Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  2. iyo  Maxamed Xaaji Cabdinuur oo noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Xil ka qaadista labadan wasiir iyo magacaabidda wasiirada cusub ayaa dhaqan gasha xili ay madaxweynaya iyo Ra’iisal wasaaraha ku sugan yihiin magaalada Baydhaba oo shir uga socdo madaxda Madasha Qaran.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON