Monday, February 10, 2025

Wasiiro ka tirsan xukuumadda cusub oo Muqdisho soo gaaray & ololihii kalsooni raadinta oo socda

Qaar ka mida wasiirada cusub ee xukuumadda dhowaan la magacaabay ayaa yimid magaalada Muqdisho.

Wasiiradan ayaa xilka loo magacaabay iyagoo dalka ka maqan, waxaana laba ka mida maanta lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirada Muqdisho soo gaaray maanta waxaa ka mida Wasiirka cusub ee caafimaadka Fowsiya Abuukar Nuur iyo wasiirka haweenka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Ad

Olole kalsooni loogu raadinayo xukuumadda cusub ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyadoo shirar kala duwan ay ka dhex socdaan xildhibaannada iyo wasiirada la magacaabay.

Qaraar ay qaar ka mida xildhibaanada ay u gudbiyeen Guddoonka ayaa Ra’iisal wasaaraha ka dalbanaya inuu awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed waafajiyo golaha wasiirada cusub.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON