Sunday, December 3, 2023

Wasiirkii ugu horeeyay oo si lama filaan ah u eryay Shaqaalihii KMG ahaa ee Wasaaradiisa

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumada Somaaliya Jibril C/rashiid Xaaji ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah, isagoo kala diray oo wasaaradda ka eryay shaqaalihii aan gunnada qaadan jirin ee sida KMG ah wasaaraddaas u joogay.

Shaqaalahan oo fursad sugayaal ahaa tiradoodana lagu sheegay inay ka badan yihiin 250 ayaa muddo sanado ah maalin walba u shaqo tegi jiray xarunta Wasaaradaas, iyagoo intaas rajo ka qabay in si rasmi ah loo shaqaaleynayo.

Wareegtada kasoo baxday Wasiirka Ganacsiga ayaa ku yiri: “Wasaaradda ganacsiga waxay ku wargelinaysaa dhammaan shaqaalaha KMG ah ee aan wax Gunno ah qaadan, in laga bilaabo maanta 02/11/2022 la kala diray oo aysan soo xaadiri karin Wasaaradda, kana tirsaneyn shaqaalaha Wasaaradda..”

Ad

Amarkan kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo kasoo baxay wasaarad ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxayna wararku sheegayaan in uu yahay amar ka yimid madaxda sare ee dowlafda Federaalka.

Shaqaalaha KMG ah ee rajada ka qaba in mustaqbalka la shaqaaleeyo ayaa ka howlgala dhammaan Wasaaradaha iyo hayadaha dowlada, iyadoo ay qoreen wasiiradii iyo madaxdii isaga dabeysay .

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA WASIIRKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON