Saturday, January 25, 2025

Wasiirkii ugu horeeyay ee Somaliland oo isu casilay heshiiska Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi

Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay, taasoo ay sababta heshiiska Itoobiya lagu siiyay Dhul iyo Bad ay saldhig ciidan ka dhigato Gobolka Awdal.

Wasiirka ayaa waraysi uu siiyey Warbaahinta Somaliland ku sheegay in uu xilkii iska casilay, isla markaan uu doonayo in uu dadka reer Somaliland la wadaago, in xilkii uu ka hayey Somaliland uu ka tegay.

Wasiir Caateeya ayaa is-casilaadiisa sabab uga dhigay heshiiskii is afgarad ee 1-dii Janaayo 2024 dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ee ay ku gaareen magaalada Addis Ababa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Ad

Heshiiska Dhul bixinta ee muranka dhaliyay ayaa sidoo kale keenay inay dibadbaxyo ballaaran oo lagu diidan yahay ka dhacaan degaan guud ahaan Soomaaliya, waxaana kii ugu danbeeyay uu ruxay magaalada Boorame.

Wasiirka is casilay ayaa kasoo jeeda Gobolka Itoobiya lagula heshiiyay in laga siinayo Marin Badeed iyo Saldhig Milateri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON