Monday, February 10, 2025

Wasiirkii Maaliyadda ee Dowladii Farmaajo oo Cafis weydiistay Somaliland, kana degay Hargeysa

Wasiirkii hore ee Maaliyada dowlada federaalka Somalia Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Galabta ka degay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, kadib cafis uu weydiisay.

Wasiir Ducaale Beyle ayaa xilal badan kasoo qabtay dowladda Federaalka, wuxuuna soo noqday Arrimah dibadda, wuxuuna muddo 5 sano ah ahaa Wasiirkii Maaliyadda Dowladii Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Codsi ogolaansho ah ayaa laga aqbalay, markii uu qoraal cafis dalab ah u diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasoo uu ku caddeyay inuu ka tanaasulay Midnimada Soomaaliya, tasoo laga oglaaday.

Ad

Dib u laabashada Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa ka danbeysay, iyadoo dhowaan xariga laga jaray Hotel casri ah oo uu ka dhistay magaalada Hargeysa, wuxuuna muuqaal uu soo duubay isaga difaacay eedeyn musuq ah oo loo jeediyay, isagoo caddeeyay inuu hantiile ahaa.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ayaa intooda badan markii ay ka deganaa xilalka Dowlada Federaalka dib ugu laabta Somaliland, iyadoo caddeeyay inay ka noqdeen fikradii Midinmada Somaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON