Wasiirkii labaad oo ka mida golaha wasiirada dhowaan la magacaabay ee Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay.
Wasiiru Dowlihii Amniga & Dhaqancelinta Hirshabelle Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec  ayaa sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay, isagoo aan ku qanacsaneyn xilkaasi, isla markaana beeshiisana ay kula talisay in uu iska casilo.
Waxaa hore isu casilay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Hirshabelle Ismaaciil Maxamed Culusow, kaasoo sheegay inaan lagala tashan magacaabidda xilkaasi, kuna eedeeyey madaxweynaha Hirshabeelle cadaalad darro.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inay jiraan ilaa 4 beelood oo si weyn uga biyo diidan sida loo magacaabay golaha wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, waxaana la filayaa in xubno cusub ay ku dhawaaqaan is-casilaadooda.