Tuesday, May 20, 2025

Wasiirkii hore ee Beeraha Hirshabeelle oo Muqdisho lagu dilay iyo Alshabaab oo..

Dabley hubeysan ayaa Galabta magaalada Muqdisho ku dishay Wasiirkii hore ee Beeraha maamulka Hirshabeelle.

Marxuum Xasan Axmed Muudeey ayey galabta kooxo hubeysan ku weerareen xaafadda Godey ee Degmada Yaaqshiid, waxayna toogteen xili uu kasoo baxay Masaajid uu ku dukaday Salaadii Casir.

Alshabaab ayaa sheegtay dilka wasiirka hore, waxayna qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidankooda khaarijinta ay dileen wasiirkii hore ee beeraha maamulka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey.

Ad

Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Beeraha Iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle Marxuum Xasan Axmed Muudeey.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo bulshada Hirshabeelle ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Axmed Muudeey. Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi karti badan oo muddo u soo adeegayay Hirshabeelle waxa uuna door ku lahaa Aas-aaska dowlad dhiskii Hirshabeelle” ayaa tacsidiisa ku yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON