Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi-sacuud Muuse Cali ayaa sharci darro ku tilmaamay amarro kasoo baxay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Mukhtaar Roobow Cali.
Qoraal uu soo saarya wasiir Cabdi-Saciid ayuu ku sheegay in Dhaqanka caburinta, magac bixinta aan saxda ahayn, iyo xornima la’aanta ay yihiin habdhaqan lagu yaqaan Al Shabaab.
“Wasaarada Arrimaha Diinta waxaa wasiir ka ah hogaamiye ku talin jirey nidaamka Alshabaab. Talada saxda ah waa in asaga la badalaa oo dawladnimada la baro iyo Ku shaqaynta sharciga…” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda oo qoraalkiisa ku weerarray Wasiir Roobow.
Wuxuu qoraalkii ku caddeeyay in sareynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ee muwaadinka aan laha hor istaagi karin. “Go’aanada wasaarada Diinta waa waxba kama jiraan maadaama ay sharci daro yihiin. Magaca Kooxda Mukhtar Robow ka tirsanaan jirey Waa Al-Shabaab ee la qabso”.” ayuu yiri yiri.
Wasaaradaha ay hoggaamiyaan rag horey uga tirsanaa AL Shabaab Waa in la fahansiiyo nidaamka dawladnimada iyo go’aanada Xukuumada qaabka loo maro hadana loo faafiyo. Xuquuqaha aasaasiga ah si fudud looma badali karo. Dawladnimada maaha inkiraad & aarsi kooxdaadii hore.
![](http://goobjooge.net/wp-content/uploads/2021/09/Cabdi-saciid.jpg)