Wasiirka Gaashaandhigga Xukuuumadda Soomaaliya oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhawaaqay inuu u sharxan yahay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo ku soo biiray musharaxiinta fara badan ee xilkan u loomaya, kadib is casilaadii Guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Wasiirka ayaa hore loo hadal hayay inay wataan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna sheegay inuu leeyahay khibrad, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, isagoo xildhibannada ugu baaqay inay codkooda siiyaan.
Shalay ayay ahayd markii uu musharaxnimadiia ku dhawaaqay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka.