Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey Geerida Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Maamulkaasi Maxamed Warsame Darwiish.
Wasiirka oo xaalad caafimad u joogay dalka Jarmalka ayaa halkaasi ku geeriyooday, waxaana tacsi u diray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo madaxda maamulkaasi.
Axmaed madoobe ayaa shegeay un Marxuum Darwiish uu gacanta ku hayay dadaalo lagu daadajinayo maamulka gaar ahaan dhismaha golayaasha deegaanka, isagoo Alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo janadii fardowso isagoo samir iyo iimaan u rajeeyay dhammaan shacabka Jubaland, Ummada Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.
Jeneraal Darwiish ayaa hore u soo noqday Madaxa hay’adda NISA xilliga Dowladii C/llaahi Yuusuf, wuxuuna markii danbe u wareegay Jubbaland, isagoo ka mid ahaa saaxiibada ugu dhow Axmed Madoobe.
