Wasiirkii Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa loo doortay, kuna guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ilaa 2005-tii ayaa tartan adag kala kulmay Raila Odinga oo soo noqday Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya, kaasi oo dowladdiisu ay si adag ugu ololeysay, isagoo uu garab taagnaa madaxweynaha dalkaasi William Ruto.
Doorashda ayaa qaadatay ilaa lix wareeg oo codeyn ah, wuxuuna loolan adg dhex maray Maxamud Cali Yuusuf, Raila Odinga, iyo Richard Randriamandrato oo kasoo jeeda Jasiirada Madagascar, kaasoo ku wareeggii saddexaad.
Wareeggii lixaad ayaa lagu kala haray, waxaana tartanka ka haray Raila Odinga, kadib markii uu helay 22 cod, halka uu Maxamud Cali Yuusuf ka helay 26 cod.
Waxa qasab ahayd in qofka Guddoomiyaha Midowga Afrika noqonayo uu helo 3/2 saddex meelood laba meel codadka guud ee dalalka Afrika ayuu Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu keligiis u gudbay wareeggii 7aad, taasoo keentay inuu kasbado codadkii loogu baahnaa inuu helo 33 cod oo looga baahaa si uu u noqdo Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Guusha Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti oo hadda noqday guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa si weyn loogu dabaaldegay, iyadoo Dadka Kenya oo si weyn usaadaalinayay in Raila Odinga guuleysan doono uu niyad jab ku dhacday.