Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inuu noqdo dhexdhexaad, isla markaana ay sharci darro ah inuu ku biiro xisbi.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Wasiir Xoosh ku sheegay in qodobka 65 ee Dastuurka KMG ah, faqradiisa uu qorayo inuusan qeyb ka noqon karin xisbi siyaasadeed, loona baahan yahay dhexdhexaadnimo.
“Qodobkaasi wuxuu micnihiisu yahay: Guddoomiye Baarlamaan kuma milmi karo xisbi ama arrima siyaasadeysan, waana inuu dhexdhexaad ahaan u guttaa howshiisaa Sharci dajinta ah..” ayuu yiri Wasiir Xoosh oo si toos ah u tilmaamay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo shalay ka guuray Xarunta Madaxtooyada markii xayiraad lagu soo rogay.
Wasiir Xoosh ayaa ka mida wasiirada sida weyn u taageersan madaxweynaha, waxaana hore uga soo yeeray haddallo uu ku weeraray baarlamaanka, kuwaasoo keenay inuu cudurdaar bixiyo.