Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Xigaarsiintaabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) ayaa ka digay in imtixanka dowladda qaado sanad kasta uu halis ugu jiro inuu baaqdo Lacago la’aan aawgeed.
Wasiirka oo ka hadlayey xaflad ka dhacday Muqdisho ayaa si cad u sheegay in Wasaaradda Waxbarashada lagu leeyahay lacagihii sanadkii hore ee lagu qaaday imtixaanka, ayna ku maqan tahay Wasaaradda Maaliyadda.
Imtixaanka Shahaadiga dowladda ee Sanadkan ayuu sheegay inuu halis kujiro, kadib markii Wasaarada Maaliyada laga waayay lacagihii lagu qaadi lahaa Imtixaanka, wuxuuna eedeyn u jeediyey inaan wax mudnaan ah la siineynin waxbarashada xilli gawaarida madaxda ee aan xabbadu karin la iibinayo.
“Imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannadkii hore lacagtiisa waa nalagu leeyahay, haddana waxaan khatar ugu jirnaa in aanan la qaadin imtixaan lacag la’aan awgeed, waxaaan ku dhownahay inaan idaacadaha fariisano si aan lacag uruurinno.” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.
Wasiir Cabdullaahi Carab ayaa sidoo kale sheegay inay maqan yihiin mushaaradka macalimiinta iskuulada ay Dowladu maamusho, wax damqaneyso ahna aan laga muujin arrintaasi, isagoo dalbaday in dalka loo doorto hoggaan mudnaan siinaya waxbarashada.
