Friday, March 28, 2025

Wasiirka Waxbarashada oo Amar ku soo rogay Jaamacadaha Dalka “Ma qaadan kartaan Arday..” [Akhriso]

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa amar ku soo rogay Jamaacadaha gaarka loo leeyahay dalka, isagoo ku amray inaysan jaamacaduhu qaadan karin arday aan soo marin imtixaanka dowladda.

“Maanta laga bilaabo wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aan ku gaartay isla markaana jaamacaddaha dalka ka mamnuucday inaysan qaadan karin ardey aan soo marin imtixaanka Qaran ee Dalka..” ayuu yiri wasiirka oo sheegay inay amarkan fulintiisa bilaabatay maanta oo ah 14-ka March 2019.

Wasiir Goodax ayaa sheegay inay ku kormeeri doona dhammaan jaamacaddaha fulinta amarkan, wuxuuna shaaciyey in sannadkan 2019 ay imtixaanka u fariisan doonaan 45 kun oo ardey, dhammaan gobollada dalka, iyadoo imtixaanku dhici doono 11-16-ka bisha May ee soo socota.

Ad

Ardayda dugsiyada Sare ee dalka ayaa imtixaan dowlada geli jiray marka ay u baahan yihiin inay galaan Jaamacadda dowladda ama ay dibadda u raadsadaan waxbarasho.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxa Jaamacadaha dalka, siiba kuwa ka jira magaalada Muqdisho oo tiradooda ay faraha ka baxday, mana cadda sida amarkan u fuli doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON