Waxaa si weyn baraha bulshada loogu hadal hayaa dood ku saabsan sawirro uu saaka dadka la wadaagay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle intii aanu u socdaalin dalka Qatar isagoo ka mida wafdiga Madaxweynaha.
Wasiirka ayaa baraha bulshada soo dhigay isagoo la sawirran kaluumeysato sida Kalluun ay soo jilaabteen, waxaana ka mid ahaa sawir muujinaya wasiirka oo la sawirran nin kalluumeysato ah oo sida Kalluun aad u culus, wuxuuna wasiirku gudbiyey farriinta hoos ku qoran:
Sideen u gaajoon karnaa inagoo heysana kheyraadka noocaan oo kale ah?
C/raxmaan Ducaale Beyle- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya
Waa in aan ka faa’iideysanaa nimcadaan dhulkeena dhex ceegaagta. kaluumeysigu waa qeyb ka mid ah wax soosaarka ugu muhiimsan dalkeena, una baahan maalgalin iyo horumarin. Bal qiyaas imisa faa’iido ah ayaan ka heli karnaa xabadaan #KALUUNKAah.
Dad badan ayaa wasiirku ku dhaliilay sawirka uu la galay qof miisaan culus wada, isla markaana uu ku khaldanaa inuu qofkaasi u istaajiyo si uu sawir ula galo, halka qaar ka mida dadka ay wasiirka ku difaaceen inuu niyad sami ula jeeday ee aysan xumaan ka ahayn.


