Wednesday, February 19, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo u jawaabay Hanti-dhowrka Guud. “Lacagta uu yiri waa maqan tahay, Adeer, ma maqnee way taal” [Daawo]

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo ka jawaabay warbixintii Hanti dhowrka Qaranka ee Miisaaniyadda dowladda sanadka 2018 oo lagu sheegay in lacag ka badan 18 Milyan oo Doolar ka maqnyd.

Wsiir Beyle ayaa soo bandhigay qoraallo iyo caddeymo qoraal ah oo muujinaya in lacagaha ay dowladda Somalia ka heshay dibadda sanadkii 2018 dhammaantood si sax ah loo isticmaalay inta kalena uu hayo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in tirooyinka lacagaha uu soo bandhigay hanti dhowrka guud aanay sax ahayn.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya wuxuu diiday inuu jiro musuq iyo wax is daba marin lagula kacay hantida dowladda iyo deeqaba dibadda, wuxuuna ku dooday in IMF iyo Bankiga Adduunka ay kormeer joogto ah ku sameeyaan, isagoo hanti dhowrka ku sheegay inuusan wax hubsan oo aanay habooneyn inuu soo bandhigo arrimaha qaarkood.

Ad

“Lacagta uu hanti dhowrka leeyahay waa maqan tahay, waxaan leenahay ma maqnee way taallaa, waana la heli karaa… haddii uu nala weydiin lahaa waan u sheegi lahayn… ‘ ayuu yiri wasiir Beyle oo mid mid uga jawaabay lacagihii uu sheegay hanti dhowrka inay ka maqan tahay xisaabaadka dowladda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in warbixin jawaab u ah Hanti dhowrka guud ay soo bixi doonto dhowaan, wuxuuna ku adkeystay inaysan dhici doonin in lacaga dowladda soo gala oo ah hanti umadeed la musuqmaasuqo.

Jawaabta Wasiir Beyle ayaa waxaa ka muuqday inaysan iska war qabin Hanti dhowraha iyo Wasaaraha Maaliyadda oo warbiximadda Wasaaradda aanu helin Hanti Dhowrka ama dib laga diyaariyey jawaabta Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

- Advertisement -

HOOS KA DAAWO

https://www.regjeringen.no/no/aktuelt/pm_somalia/id2673476/
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON