Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shaqadii ka joohiyey laba ka mida mas’uuliyiinta sare ee Maaliyadda.
Laba wareegto oo is barbar socda ayaa kasoo baxay Wasiirka Maaliyadda, waxaana xilalkii shaqadii looga joojiyay Xisaabiyihii guud ee Dowladda Maxamed C/raxmaan Anas iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda maaliyadda.
Shaqo ka joojinta labadan mas’uul oo lama filaan ahayd ayaa timid iyadoo cakirnaan xoog leh muddooyinkan ka jirtay Wasaaradda Maaliyada, isla markaan uu si weyn dib ugu dhacay bxiinta Mushaarkii Bishii June ee Shaqaalaha dowladda.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay xisaabiyaha guud oo dhowaan la magacaabay inuu is hortaag barer ah ku sameeyay shaqadii Wasaaradda iyo bixinta Kharashka dowladda oo uu ku jiro Mushaarka Shaqaalaha dowladda iyo eedo kale oo badan.
Dhinaca kale Wasiir Cilmi wuxuu agaasimaha Dakhliyada ku eedeeyay in-hortaag magacaabista agaasimihii Waaxda Canshuruta Berriga oo saameyn ku yeelatay Dakhligii Dowladda.