Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xilalkaasi ugala wareegay labadii wasiir ee hore u hayey, isagoo noqday wasiirka kaliya ee laba wasaaradood la isugu daray.
Wasiiradii hore ee Wasaaradaha Caddaaladda iyo Dastuurka, Xasan Xuseen Xaaaji iyo Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah Ra’iisal wasaare klu xigeenka cusub ayaa xilalka ku wareejiyay Wasiirka cusub oo ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD, ahna saaxiibada ugu dhow.
Wasiir Xasan Macalin ayaa si cad u sheegay inuu u mahadcelinayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkan u magacaabay, wuxuuna caddeeyay in diyaar u yahay wax ka qabashada labada xil ee Garsoorka iyo Datuurka.
Wasiirka ayaa ballanqaaday in uu wax badan ka qaban doono nidaamka caddaaladda dalka islamarkana uu ka shaqayn doono sidii loo dhammaystiri lahaa Dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.
Xasan Sheekh ayaa la sheegay in wasaaraha culus uu u xushay raggii ugu dhowaa iyo xubnaha xisbigiisa, kuwaasoo uu kalsooni ku qabo, taasoo shaki gelisay ballanqaadkiisii Doorashada ee ahaa inuusan dad gaara u xiri doonin xilalka dowaladda.
