Wasiirka Dhainyarrada iyo Isboortiga Soomaaliya Maxamed Barre ayaa hor tegay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kadib mooshin loogu yeeray oo ay Baarlamaanka ka geeyeen xildhibaanno badan.
Kulankii Golaha Shacabka oo maanta ku saasbanaa su’aalo weydiinta Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga ayaa ku bilowday in la akhriyo Mooshinkii laa keenay wasiirka, waxaana shirka guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Sacdiya Yaasiin.
Fadhiga oo xiisad hareysay ayaa la weydiiyay su’aalo adag oo fara badan, waxaana mooshinka uu salka ku hayey tartankii orodka Jaamacadaha ee ka dhacay dalka Shiinaha, kaasoo Soomaaliya ay uga qeyb gashay gabar dood weyn dhalisay.
Xildhibaannada ayaa wasiirka weydiiyay su’aalihii ugu adkaa oo ay kulanka la yimaadeen Guddiga Arrimaha Bulshada qaabilsan ee hore su’aalaha u weydiiyay Wasiirka, waxaana. ka muuqatay inay Wasiirka iyo Guddigan isku khilaafeen kulankii hore.