Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta ay xilka uga qaaday agaasimihii guud ee wasaaradaasi C/qani Sheekh Cumar.
Qoraal ay ku soo taxday barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay inay wasaaradda ay u baahneyd dib u habeyn lagu sameeyo si loo dardar geliyo shaqada wasaaradda isla markaan wada shaqeyn loola yeesho maamul Goboleedyada.
HOOS KA AKHRI QORAALKA WASIIRKA
Ka dib markii aan la wareegey xilka Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaan dib u eegis & u kuurgelid ku sameeyey dokumentigii xil-wareejinta isla markaasna xog-wareysiyo la sameeyey shaqaalaha wasaaradda. Waxaa soo baxday in loo baahan yahay dib u habeyn lagu sameeyo maamulka si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah loo igmaday Wasaaradda.
Sidaas darteed waxaan u magacaabay Mudane Deeq Suleymaan Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Markaan dib u qiimeyn ku sameeyay howlaha Wasaarada & baahida loo qabo ka mira-dhalinta Qorshaha Qaranka Soomaaliya e ku adan doorkeena.
Baahida loo qabo in si dhow loola shaqeeyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada, kor u qaadida tayada Wasaaradaha Federalka iyo tan Dowlad Goboleedyada Inuu xaqiijiyo in Wasaaradeena door muhiim ah ku yeelato fulinta Qorshaha Qaranka Soomaaliya ee 2017 – 2019.
Sidaas darteed Agaasimaha Guud ee Wasaarada H & X I Mudane Deeq Suleymaan Yuusuf, inta aan ka ogahay waa qof aqoon & karti badan leh
Waxaan idiin ballan qaadayaa in hadafka wasaarada uu yahay in la abuuro jawi wadashaqeyn iyo iskaashi ku dhisan.
Ad
GOOBJOOGE
Warar Xul ah