Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay go’aankii uu baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku diiday go’aankii Maxkamadda Sare.
Cabdi Xoosh oo hadda magaalada Kismaayo ku sugan ayaa farrin uu soo dhigay bartiisa Twittterka ku sheegay inuu jahawareer ka qaaday go’aanka Baarlamaanka.
“Baarlamaanka Soomaaliya waa warmoog… ma jiro Baarlamaan wax ka bedeli kara go’aan ay riday Maxkamadda ugu sareysa dalka…” ayuu farriintiisa ku yiri Wasiir Xoosh oo ah wasiir aan fikradihiisa la ganban, isla markaana wixii ay la noqoto la wadaaga dadka.

Dad badan ayaa la yaabay qaabka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ula tacaaleen go’aankii maxkamadda sare ku laashay sharcinimada 8 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka.