Friday, April 18, 2025

Wasiirka Dastuurka oo ka hor yimid Is-casilaadda laga dalbaday Wasiirada u tartamaya xilka Guddoomiyaha Barlamanka

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey dalab ka yimid Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa inay is casilaan wasiirada u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Wasiir C/raxmman Xoosh Jibriil ayaa baraja bulshada ku soo bandhigay su’aal uu isag is weydiiyay oo ku saabsaneyd: Qof wasiir ah ahna Xildhibaan ma inuu iska casilaa waziirnimada intuusan u tartamin Guddoomiye-nimada Golaha Shacabka?

Jawaabtii Wasiir Xoosh bixiyey ayaa hayd: “Maya. Qodobka 59  c) wuxuu farayaa in shaqhi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaazul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa isagoon is casilin.., laakin maalinta uu Guddoomiye Golaha Shacabka naqdo, wasiirnimadii waa gubattaa !!..”

Wasiir Xoosh ayaa hadda isu bedelay maxkamadda Dastuurka dalka isagoo si joogro ah u fasira dastuurka KMG ah iyo xeer hoosaadyada, waxaana dhowaan uu sheegay inuu guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka C/weli Muudey uu yahay Ku-sime xilli uu muran ka taagnaa mooshinka laga keenay guddoomiyihii markii danbe is casilay ee Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON