Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye kadib xaflad maanta ka dhacday xarunta Wasaraaddaasi ee magaalada Muqdisho.
Waxaa xilka wareejiyay Wasiir Daahir Maxamuud Geelle oo xilka iska casilay kadib markii uu sheegay inay is fahmi waayeen madaxda dowaldda Soomaaliya, waxaana munaasabadda goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Wasiir Maareeye oo hore xilka wasaaradda usoo qabtay ayaa sheegay inuu halkiisa kasoo wadi doono horumarka wasaaradda, waxaana laga soo wareejiyay wasaaradda Ganacsiga oo wasiir cusub loo magacaabay.



