Sunday, December 8, 2024

Wasiirka Cadaaladda oo Xabsiga Dhexe u tegay Eedeyn ka timid Taliyaha Asluubta

Wasiirka Dastuurka iyo Caddalaadda dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, kadib eedeyn ka timid Taliyaha ciidamada Asluubta.

Wasiirka oo maxaabiiska u ballanqaaday inay heli doonaan caddaalaad degdega ayaa sheegay inay billaabeen baaritaan la xiriira maxaabiis uu taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan dhowaan sheegay inay muddo 10 sano ah xabsiyada ku jiraan, iyadoo mar kasta rumaan loo jarayo iyo sii heyn xukun maxkamad la’aantiis.

“Waxaan idinkugu nimid in caddaaladdu sugnaato oo aad caddaalad heshaan. Waxaan heynaa dambiga aad ku eedeysan tihiin” ayuu Xasan Macallin u sheegay koox maxaabiis ah oo kula hadlay gudah Xabsiga.

Ad

Wasiirka oo qiray inay jiraan maxaabiis dhaafay muddadii sharcigu oggolaa in xabsiga lagu hayo maxkamad la’aan – ayaa dhinaca kale dafiray hadalkii taliye Shub ee ahaa inay jiraan maxaabiis 10 sano xiran, iyaga oo aan maxkamadi xukumin.

“Hadalkii taliyaha waxaan u qaadaneynaa qeylo-dhaan. Ma jirto cid dhaaftay 10 sano” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda Xasan Macallin.

Waxaa wasirka kormeerkiisa Xabsiga Dhexe ku wehliyay xubno uu ka mid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo ka socday garsoorka iyo maxkamadaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON