Waxaa soo shaac baxday xiisad ka dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, sida uu shaaciyay Wasiiru dowladaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Xiisadan ayaa ka dhalatay tallaabo uu ku dhaqaaqay wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Sida uu sheegay Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar [Cali Balcad], waxay dowladda Turkiga ka carootay Hadal kasoo yeeray wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji oo ahaa inuu dacwad ka gudbiyay, dalkana ka tegayo Agaasimaha Isbitaalka Digfeer.
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo dhowaan hortegay Guddi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay dhibaato kasoo wajahaday Agaasimaha Isbitaalka Erdogan Ex. Digfeer oo u dhashay dalka Trukiga, kaasoo diiday inuu la shaqeeyo xubnaha Soomaalida ee uu magacaabay Wasiirka Caafimaadka.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Maxamed Cumar oo isna shalay hortegay Guddi Baarlamaanka ee Arrimaha dibadda ayaa faahfaahin ka bixiyay arrinta uu dhex Martay Wasiirka Caafimaadka iyo Agaasimaha Isbitaalka Digfeer.
Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa sheegay in Wasiirka caafimaadka magacaabay Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Digeeer, kadibna uu mar qura wada bedelay dhammaan agaasime ku xigeenadii Soomaalida ahaa ee Isbitaalka, taasoo caado u ah madaxda Soomaalida inay sameeyaan magacaabis badan oo keentay in agaasimaha Isbitaalka uu ka biyo diiday.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadada Soomaaliya Cali Balcad ayaa caddeeyay inay hadda taagan tahay xiisad ka dhalatay hadalka uu bannaanka soo dhigay Wasiirka caafimaadka oo aan weli la xalin.
Maamuka Isbitaalka Digfeer ayaa xilalka agaasimeyaasha sare waxaa haya mas’uuliyiin ay soo magacawdo Wasaaradda Caafimaadka Turkiga, halka agaasime ku xigeennada ay magacawdo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.