Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa caawa warbxintii ugu muhiimsaneyd ka bixisay xaaladda Cudurka Coronavirus iyo howsha ay wado dowladda Federaalka.
Wasiiradda oo ka hadleysay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayna wehliyeen qaar ka mida Guddiga Qaran ee loo dhisay ka hortagga Cudurka ayaa ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19, dadaallada socda ee lagu xakameynayo, horumarradda la gaaray iyo qorshaha la doonayo in lagu joojiyo faafintaanka cudurka.
Waxay faahfaahisay tirakoobka dadka cudurka Corona uu soo ritay, xaalada kuwa u jiifa, dadka u dhintay iyo deeqaha dibadda laga helay iyadoo bulshada la wadaagtay xaaladda isbitaalka Martiini iyo sida uu diyaarka u yahay.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa hormuud u noqday Arrimaha ka hortagga Covid-19, waxaana caawa la dareemay isbedel weyn oo ku dhacay qaabka loola tacaalayo cudurka, iyadoo uu sidoo kale Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre jeediyey khudbad kale oo ku saabsan taageerada Beesha caalamka siineyso Soomaaliya iyo dadaalka owladda federaalka ugu jirto ka hortagga Coronavirus.
HOOS KA DAAWO