Thursday, April 24, 2025

Wasiirka Bartoolka oo Qirtay inaan wax weyn laga bedelin Heshiiska Shidaalka ee muranka dhaliyey

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijijey inaysan jiirn wax weyn oo laga bedelay heshiiskii Shidaalka ee dowladda Soomaaliya la gashay Shirkadda Coastline Exploration oo hore loo diiday.

Isagoo la hadlay VOA-da ayuu Wasiirku xusay ilaa 5 qodob oo wax laga bedelay Heshiiska, kuwaasoo aan ahayn arrimo waaweyn sida uu yiri, balse dib u eegis lagu sameeyay, wuxuuna ku gaabsaday in heshiiska uu isaga ka horeeyay, loona arkay in wadahadal toos ah lagu galo heshiiska, halkii tartan laga dhigi lahaa.

Qodobadda laga bedelay ayuu Wasiir C/risaaq ku sheegay in Aadeegga, Saadka amniga iyo Arrimaha kale (Local Content) laga qaato Gudaha haddii ay awoodaan inay qabtaan; waxaa kaloo laga saaray Arrin ku saabsan (Xaalad hubanti la’aan ah- force majeure); in wixii qalab ama hantiga haraaga ah ay yeelan doonto dowladda Soomaaliya; Heshiiska inaysan saameyn karin isbedello yimaada sida Canshuuraha, taasoo la isla gartay, laakiin Wasiirka la siiyey inuu soo saari karo Shuruuc iyo Canshuuraha iyo Qodob ku saabsan haddii Heshiiska lagu wareejinayo Shirkad ama saami dad kale oo lagu caddeeyay dadka Saamiga leh ee lagu wareejin karo.

Ad

“Qodobaddaas waa la saxay, wax weyna ma ahayn, wuxuu ahaa heshiis fiican oo ka fiican kuwa caalamiga ah..” ayuu yiri Wasiirka Batroolka oo sheegay inay la tashadeen sharci-yaqaano arrintan aqoon u leh.

Muhiimada Heshiiska ayaa ah inaan waxba laga bedelin qeybsiga dhaqaalaha oo ay ku caddahay in Soomaaliya waxa loo yaqaan Royal-tiga ay leedahay: 5%, faa’iidadana loo qeybsan doono si isla mida 50% iyo 50%, canshuurta laga qaadayo faa’iidada ay tahay 30%.

Heshiiska Wax-soosaar wadaagga ah ee Shidaalka Soomaaliya oo dalka Turkiga lagu saxiixay Febraayo 2021 ayaa khilaaf weyn dhaliyey, waxaana sharci darro ku tilmaamay madaxweynihii xilligaasi Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

- Advertisement -

Dad badan ayaa shaki ka muujiyey sida degdega ah ee Heshiiskan loo saxiixay iyo inaan dadka loo soo bandhigin faahfaahinta heshiiskan, sidii markii hore ahaa iyo Qodobadda laga bedelay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON