Monday, May 19, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda xilgaarsiinta oo magacaabay Agaasimeyaal cusub (Akhriso)

Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ku dhaqaaqay magacaabidda agaasimeyaal cusub xilligan kala guurka ah.

Wareegto uu soo saaray 22-kii bishan May 2021 ayuu ku magacaabay afar agaasime waaxeed oo cusub oo ay magacyadooda iyo xilalkooda kala yihiin sida soo socota:

1- C/raxmaan Xaashi Faarax- Agaasimaha Waaxda Xalinta Khilaafaadka iyo Dib u heshiisiinta.

Ad

2- Muuse Abshir Cabdi:- Agaasimaha waaxda Dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada

3- Abshir Macalin Maxamed – Agaasimaha Waaxda Xiriirka iyo Warbaahinta

4- Xanafi Cabdi Cali – Agaasime waaxeedka Ururrada aan dowliga ahayn (NGO)

- Advertisement -

Xukuumadaha xilgaarsiinta ayaan lahayn awood magacaabis iyo xil ka qaadis marka laga reebo sii wadista howl-maalmeedka dowladda, laakiin xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii wada dhaqan siyaasadeed laga dhaxday dowladda madaxweynihii xilka ka dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waxaana socda magacaabis heer wasiir, safiiro iyo agaasimeyaal, waxaa sidoo kale la kala bedelaa ama xilalka laga qaadaa taliyeyaasha ciidamada siiba Booliska.

No photo description available.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON