Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.
Sida ay shaacisay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Wasiirka Axmed Ciise Cawad ayaa saaka oo hoygiisa magaalada Muqdisho Quraac sharafeed ugu sameeyay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ohammed Ahmed Osman Al Hammadi.
Kulanka ayaa la sheegay inay labada dhinac uga wadahadleen xiriirka laba dal ee Soomaaliya iyo Imaaradka, dhinacyada horumarinta iskaashiga iyo kor u qaadista xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo dhinacyo kala duwan leh si loogu dhaqaaqo wax wadaag sal ballaaran leh.