Wednesday, March 26, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo Safiirka Mareykanka ka guddoomay Waraaqihii Aqoonsiga

Halkee Safiir Larry André looga guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsiga..? (Akhriso)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Larry André.

Wasiirka ayaa tegay Garoonka Diyaaradaha Aaden cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku qaabilay safiirka Mareykanka, ugana guddoomay Aqoonsiga Danjirenimo. Diblomasiyiinta Mareykanka ayaa amni ahaan ku eg xeyndaabka Garoonka, iyadoo madaxweyne Farmaajo intii uu xilka hayey Garoonka u tegay inuu waraaqaha ka guddoomo danjireyaashii Mareykanka.

Ad

Safiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda, isaga oo Danjire André soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Dowladda Maraykanka ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

May be an image of 2 people and indoor
May be an image of 2 people and people standing
May be an image of 5 people, people standing and suit
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON