Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Margot Wallström.
Wasiir Cawad ayaa wadahadalka uu la yeesay dhiggiisa dalka Sweden waxay ku saabsanaayeen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Sweden, iyadoo Sweden ay ka mid tahay dalalka Midowga Yurub ee taageera dowladda Soomaaliya
Labada dhinac ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Somalia iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo, waxayna adkeeyeen sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee nafci is dhaafsiga ah.