Wasiirka Arriimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si buuxda u taageeray qorshaha IGAD ee isu socodka dadka dalalka IGAD dal-kugal la’aan.
Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay isu socodka dadka ku nool dalalka IGAD, isagoo sheegay in arrintaasi ay tahay mid isu soo dhoweyneyso xiriirka dalalka IGAD.
Madaxa hay’adda Socdaalka & jinsiyadaha Maxamed Aaden Jimcaale (Koofi) ayaa hore u sheegay in Soomaaliya aysan xilligan qeyb ka noqon karin arrinta isku furka xuduudaha dalalka IGAD iyadoo aanay dowladda Soomaaliya gacanta ku heynin xuduudaheeda, isla markaana aysan heshiiskan qeyb ka noqon karin.
Arrintan ayaa muujisay inaysan iska war qabin madaxda xukuumadda Soomaaliya, iyadoo labada wasaaradood ee amniga gudaha iyo dibadda isku mowqif ahayn ama aanay isku xirneyn.