Wednesday, November 13, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Somalia u metelay shir Madaxeedkii Carabta ee Dhaqaalaha Beirut [Sawirro]

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Soomaaliya u metelay shir madaxeedkii Dalalka Jaamacadda Carabta ee dhaqaalaha oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan.

Wasiir Cawad ayaa shirka ku metelay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi, isagoo ka qeyb galay shirkii wasiirada arrimaha dibadda iyo kii madaxda, iyadoo shirkan uu ahaa shir dhaqaale oo inta badan madaxda dalalka Carabta aysan ka qeyb gelin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga xmed Ciise Cawad ayaa la sheegay inuu wakiishay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Shir madaxeedka Dalalka Carbeed ee 4-aad  dhinaca horumarinta dhaqaallaha iyo bulshada lasoo gabagabeeyay isla maanta.

Ad

Shirka ayaa looga hadlay 29 qodob oo Dunida Carbeed ay wadaagto sida dhaqaallaha, bulshada, waxaa intaas dheer hindisayaasha iyo istiraatiijiyadaha la xiriira cunnada, tamarta, ka takhalusidda saboolnimada, ilaalinta haweenka, istiraatiijiyadda carbeed ee tamarta joogtada “Sustainable Energy” iyo dhaqaale ka abuuridda.

Madaxda fara ku tiriska ah ee shirka tegay waxaa ka mida Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad. dalalka Carabta ayaa shirka u dirsaday wasiirada arrimaha dibadda.

Image may contain: 2 people, people standing

- Advertisement -

Image may contain: 8 people, people sitting and indoor

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON