Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dfifaacay go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan dalalka Sacuudiga iyo Canada iyo sababta keentay inay dhexdhexaad ka noqon weydo, ayna la safato Sacuudiga.
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in sababta ay Sucuudiga u taageereen ay ahayd in faragalin lagu sameeyay arimahooda gudaha, oo si lamid ahna ay garab istaag u muujin lahaayeen Canada haddii faragalin ay la kulmi laheyd.
“Waa run waanu ku taageernay dowladda Sacuudiga inaan la fara gelin arrimahooda gudaha, si la mid ah sida aan arrimahooda gudaha ugu taageeri laheyn dalka Canada hadii la fara geliyo, marka mowqifka dowladda waa kaas, Sacuudiga waa dal aan walaalo nahay, marka ceeb ma ahan inaan go’aankooda ku taageerno, sidoo kale Canada waa dal aan saaxiibo nahay”. Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somalia.
Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhaliiley baraha bulshada iyadoo dadka diidan ay Sacuudiga ku eedeeyeen inuu yahay dal aan wax naxariis ah u hayn Soomaalida, balse Canada ay tahay dal sharci iyo xuquuq siiyay Soomaalida oo dad Soomaali ah ay ka gaareen darajada Wasiir.