Wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa waxba kama jiraan iyo sharci darro ku tilmaamay kalsooni kala noqosho xukuumadda ee uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay ayaa xarunta Villa Somalia ayaa caddeeyay inay ka heleen arrintan xalay ayna tageen xarunta Baarlamaanka si ay uga doodaan ajendaha shirka oo ku saabsanaa Doorashada Dalka, balse iyadoo buuq ka jiro Baarlamaanka uu ku dhawaaqaay Guddoomiye Mursal inay dhacday xukuumadii.
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa caddeeyay inuusan jirin mooshin la keenay Golaha oo laga dooday, inuusan ajandaha ku jirin kalsooni u qaadid xukuumad, wuxuuna ku eedeeyay guddoonka Baarlamaanka ee Maxamed Mursal Sheekh iyo C/weli Muudey inay muddo kororsi u socdaan, isla markaana ay waxba kama jiraan tahay tallaabada ay ku dhaqaaqeen.
“Waxaa u fiicneyd guddoonka Baarlamaanka iyagoo guryahooda iska jooga inay ku dhawaaqaan inay dhacday xukuumadda.. waxay ay sameeyeen wa taariikh madow..” ayuu yiri Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.