Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa maanta Baarlamaanka hor geeyay laba hindise shacriyeed oo xasaasi ah.
Wasiirka aaa maanta Xildhibaanada golaha Shacabka ka hor akhriyay labada hindise sharciyeed ee kala ah: Hindise Sharciyeedka la Dagaalanka Argagixisada iyo Hindise Sharciyeedka Xakameynta hubka wax dila.
Wasiirka ayaa ka dalbaday xildhibaannada inay si degdeg u ansixiyaan labada hindise sharciyeedka oo uu sheegay in si weyn loogu baahan yahay isla markaana baahi loo qabo si loogu xoojiyo sugidda ammaanka dalka.
Labada hindise sharciyeed ee ay soo diyaarisay Wasaarada Amniga ee Xukuumada Soomaaliya, waxaa hore u ansixiyay golaha Wasiirada Soomaaliya, iyadoo uu hadda horyaallo Golaha shacabka.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isna codsi diray Xildhibaanada golaha shacabka, isagoo ka daldaday inay ay si degdeg u ansixiyaan labada sharci.