Saturday, June 21, 2025

Wasiirka Amniga oo beeniyay in Dowladda Somaliya ay Ciidamo Dul dhigtay Sheekh Shariif.. (Akhriso)

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa si kulul u beeniyay warar muddooyinkii lagu faafiyey baraha bulshada oo lagu sheegay in ciidamada dowladda la dul dhigay Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Qoraal uu soo saaray wasiirka Amniga ayuu ku yiri: “Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam.  Waxaan caddeynayaa inay wararkaasi yihiin been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah  inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro”

Wararka ku saabsan in ciidamo la dul dhigay Guriga Sheekh Shariif ayaa ku bilowday qoraallo lagu faafiyey baraha bulshada, kadibna waxaa maanta ku biiray labada xildhibaan ee Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi oo madaxweyne Farmajo ku eedeeyay inuu weerar ku yahay Sheekh Shariif.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON