Sunday, April 27, 2025

Wasiirka Amniga Galmudug oo weerar Afka ah ku qaaday Wasiir Dubbe iyo Warbaahinta Dowladda

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Xil gaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe iyo Warbaahinta Dowladda.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii TV-ga Qaranka uu boggiisa Facebook soo dhigay qoraal iyo muuqaal haweeney ka tirsan Baarlamaanka ooxildhibaannada Mucaaradka ku tilmaantay inay yihiin ‘Calooshood u shaqeystayaal’.

“Warbaahintii umadda u dhexeysay ma waxay la mid noqotay baraha bulshada CBB-da. Waa wax laga xumaado in warbaahintii qaranku uu heerkeedii sidaas hoos ugu dhaco. Tv-ga qaranku maantay ma waayey wax kale oo uu soo tabiyo oo aan ahayn xildhibaan mid kale caaytaaya, waxaa muuqda in tallaabadani ay tahay mid u sii gogol xaaraysa kuwa kale oo ka xun oo soo socda!.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Fiqi.

Ad

Wuxuu sheegay in (Wasiir Cusmaan) Dubbe uu ku calaamaysnaan doono inuu yahay wasiirkii dhulka la galay warbaahinta qaranka.

Arrintaan kadib ayaa si weyb baraha bulshada loogu cambaareeyay Warbaahinta dowladda oo si xagjirnimo ah ula safatay xildhibaannadii jidbeysnaa ee taageersan Madaxweynaha, taasoo keenay in qoraalkii ay ka muuqatay ‘Calooshood u shaqeystayaal’ laga saaro Bogga Facebook-ga ee SNTV.

May be an image of 2 people, people sitting and text that says 'SNV TELEFISHINK ARANKA Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed 11m Xidhibaan Luul Aaan" 'Kulankii Baarlamaanka waxaa baajiyey Xildhibaano calooshood u shaqeystayaal ah" 567 595 Views'

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON