Wednesday, May 21, 2025

Wasiirka Amniga Galmudug oo difaacay Bannaanbaxa Musharixiinta Mucaraadka ee Muqdisho

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa difaacay Bannaabaxa ay ku dhawaaqeen Mushariixinta Madaxweynaha ee Mucaaradka inay ku qabanayaan magaalada Muqdisho Jimcaha 19-ka Bishan Febraayo 2021.

“Musharixiinta madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?!. Sidoo kale waxaa banaan-baxyo aan tiro lahayn qabsada madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayadoo halkudhigyo, fanaanado sawiradiisu ay ku daabacan yihiin xiran, calanka dalka iyo kan Gobolka Banaadirna ay Daljirka Dahsoon ku xardhan yihiin?!” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo caddeeyay in Dastuurka dalku uu fasaxayo in banaanbaxyo nabadgalyo ah muwaadiniintu ay qabsan karaan!.

“Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda maanta aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso maantay ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta maantay dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan.” ayuu qoraalkiiska ku yiri Axmed Macalin Fiqi oo Farmaajo udiray farrinta ah: “Dabacsanaantaada maantay waa Keydkaada berito.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON